|
|||||
Remarks By Sharif Ahmed 22 July 2004 Ra’iisul-wasaa … waad salaaman tihiin.
Waxaan sidaa si la’eg, u mahad-celineynaa dawladda Itoobiya, oo in muddo ahba ku hawlaneed arrimaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa mahaddaas oo kale mudan dhammaan hay’adaha IGAD, IGAD Partner Forum, UN, EC, Jaamicadda Carabta iyo African Union. Soomaaliya, oo aaney ka jirin dawlad dammaanad qaadda ganacsiga, ayeey ganacsatada Soomaaliyeed, si aad ah ugu dadaaleen, in ay horumariyaan ganacsiga Soomaaliya, iyagoo ku dhex shaqeynaya xaalad aad u adag, in ka badan muddo 14 sano ah. Xaaladdaas waxay xaddiday horumarinta iyo ballaarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya. Caqabadaha ugu adag waxay ka soo wajeheen arrimaha la xiriira nabad-gelyo xumada. Waxaan shaki ku jirin, in aan la horumarin karin dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka Soomaaliya, haddii shacbiga Soomaaliyeed uusan helin dawlad metesha. Dadaal badan, oo ay beesha caalamku ku dadaashay, in Soomaaliya ay ku naallooto nabad iyo horumar, ayaa waxaa si hagar la’aan ah loogu dadaalay in dib-u-heshiisiin laga dhex dhaliyo kooxaha isku haysta ka-arriminta Soomaaliya. Dadaalkaasi wuxuu soo socday in muddo ah. Dadaallada la xiriira dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, waxaan amminsanahay in dawladda Jabuuti ay si aad ah ugu dadaashay wax ka qabashada xasaradda ka oogan Soomaaliya. Shirkii ka horreeyay kan maanta ka socda Mbagathi, Kiinya – ee lagu qabtay Carta (Dalka Jabuuti), wuxuu ahaa mid taariikhi ah, oo ay shacbiga Soomaaliyeed ku muujiyeen baahida ay u qabaan in geyiga Soomaaliyeed noqdo mid xasilloon. Dadaalladii loo galay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, kii Carta wuxuu ahaa mid aad u qiimo badan. Dadaalkaas ay sameysay dawladda Jabuuti ma aha mid uu shacbiga Soomaaliyeed illaawi doono; waxaanna madaxweynaha Jabuuti hortiisa ka caddeyneynaa in ay Soomaaliya u hayso (dalka iyo shacabka reer Jabuuti) mahad weyn oo kal iyo lab ah. Sidoo kale, iyadoo ka dhii-dhineysa dhibaatada la soo deristay Soomaaliya, ayeey dawladda Kiinya iyo shacabkeeduba u is-taageen, in ay u hiiliyaan shacabka Soomaaliyeed. Dawladda Kiinya waxay u dul-qaadatay, iyadoon ka daalin, in ay gacanta ku hayso shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, in ka badan 18 bilood. Waxay kaloo dawladda Kiinya u dul-qaadatay caqabado badan, oo soo wajahay socodka shirka nabadda Soomaalida. Shirka nabadda ee Mbagathi (dalka Kiinya), wuxuu hadda marayaa gabo-gabo; shacabka Soomaaliyeed na wuxuu durba dareemayaa neecowda dawladnimo ee Soomaaliya. Waxaa sidaas si la’eg, aan mahad ballaaran u jeedineynaa dawladda iyo shacabka Itoobiya, sida ay ugu guntatay wax-ka-qabashada arrimaha Soomaaliya, tan iyo markuu sannadku ahaa 1993dii. Waxay taariikhdu xusi doontaa dadaalka nabadeed ee shacbiga aan walaalaha nahay uu u muujiyay shacabka Soomaalida. Annaga oo ah ganacsatada Soomaaliyeed, waxaan diyaar u nahay in aan la shaqeyno dawlad ka dhalata dalka Kiinya, oo ay Soomaalidu leedahay. Waxaan hortiinna ka caddeyneynaa in aan dawladdaas u huri doonno hantideenna, xooggeena iyo garashadeenna. Waxaan ka kaalmeyn doonna, in la xaqiijiyo, in Soomaaliya nabad lagu soo celiyo; in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto beesha caalamka. Ganacsatada Soomaaliyeed, waxay ballaan qaadayaan in ay fuliyaan mas’uuliyadda ka saaran dalkooda: haddii ay ahaan lahayd dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaale, horumarinta waxbarashada, isgaarsiinta, gaadiidka iyo dhammaan hawlaha kale ee dib-u-dhiska. Dareenka ganacsatada Soomaaliyeed wuxuu, mar walba ahaa, mid ku wajahan ka qayb gelidda iyo taageeridda barnaamijyada dib u heshiisiinta. Bishii April iyo Novembar, sannadkii 2003da, waxaan isugu nimid shirar aan uga hadleynay sidii aan kaalmo uga geysan lahayn nabad raadinta Soomaaliya. Waxaan la kulannay ergada shirka nabadda Soomaalida ee ku sugan tuulada Mbagathi ee dalka Kiinya. Waxaan hortooda ka ballan qaadnay in, haddii ay isu tanusalaan, kuna heshiiyaan dhismo dawlada qaran, aan ka kaalmeyn doonno xag walba. Annaga oo tixraaceyna dadaalladaas aan hore u sameynay, waxaan 2dii maalmood, ee aan ku sugneyn dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ka doodnay sidii, aan haddana mar kale, uga qayb qaadan lahayn nabad raadinta Soomaaliya. Go’aanka aan gaarnay waxaan ku soo saarnay BAAQ hortiinna la keeni doono. BAAQAAS waxaa ka mid ah, in aan magacawnay guddi heer sare ah, oo si joogto ah uga qayb qaadan doona shirka nabad raadinta Soomaaliya, si aan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ugu muujinno sida aan diyaarka ugu nahay wax-ka-qabashada arrimaha Soomaaliya. Guddigaasi wuxuu si rasmi ah ula shaqeyn doonaa beesha caalamka, dawlada Soomaaliyeed oo dhalata iyo shacabka Soomaaliyeed dhammaantood. Baahida dhaqaale ee ka jirta shirka nabad-raadinta hadda ka socda dalka Kiinya awgeed, waxay ganacsatada Soomaaliyeed ku tabba-rucaysaa dhaqaale aan u soo marin doonno Guddiga Ganacsatada Soomaalida ee maanta magacownay. Guddigaani wuxuu dhawaan tegi doonaa dalka Kiinya, si aan ugu wareejinno deeqdaas aan bixineyno, iyo sidii aan uga qayb qaadan lahayn shirka nabadda Soomaaliya.
Annagana waxaan ballan qaadaynaa in aan la shaqeyn doonno dawladda Soomaaliyeed ee cusub iyo beesha caalamka iyo dawladaha aan deriska nahay. |
|||||
Copyright CRD Somalia | Partnership | Useful links | Email Manager | Home |
Designed and hosted By The Web Technology |